Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka socdo olole qaab qabiil u abaabulan oo si qarsoodi ah loogu beegsanayo Wasiirka Wasaaraddaasi.
Sida ay sheegeyso xog ay heshay Wadani.net qorshahan waxaa wada wasiiru dowlaha Wasaaradaasi Maxamuud Xayir Ibraahim, wuxuuna ka dhashay tallaabooyin dib u habeyn ah oo uu qaaday Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.
Arrintan ayaa qaraxday kadib markii wasiirka Maaliyadda ka joojiyay Xoghayihii joogtada Wasaaradda Maaliyadda Axmed Dayib inuu saxiixo wax dhaqaale ah oo laga bixinayo Bankiga Dhexe, taasoo uu ka hor yimid Wasiiru dowlaha oo ay isku heyb yihiin xoghayaha.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda oo qoraal uu kasoo daba saaray amarka Wasiirka qaab beeleed ku difaacay xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda ee laga joojiyay saxiixa lacagta, balse wata shaqadiisa, waxaan markaas kadib wasiiru dowlaha ku dhaqaaqay inuu saxaafadda u dusiyo qoraallo ku saabsan kharashka uu isticmaalay Wasiir Beyle intii uu xilka qabtay.
Khilaafka u dhaxeeya Wasiir Beyle iyo wasiiru dowlaha Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa salka la galay arrimo dhaqaale, waxaana la ogaaday in wasiiru dowlaha uu in muddo ah dadaal ugu jiray inuu shaqada ku soo celiyo mas’uul lagu magacaabo C/qani oo ka mid ahaa waaxda canshuuraha Qaadka oo hore xilka looga qaaday kadib musuqmaasuq lagu tuhmay shaqaalaha canshuurta Qaadka qaabilsanaa, kaasoo ay isku heyb yihiin wasiiru dowlaha.
Maxamuud Xayir Ibraahim oo muddo saddex jeer ah Wasaaradda Maaliyadda ku soo laabtay, isagoo ah wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle, isla markaana ka mid ahaa mas’uuliyiinta sida weyn ula degay wasaaradda oo ku xubno badan ku dhex yeeshay ayaa dhinaca kale saaxiib la ah Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo qeyb ahaan uu soo jiitay Wasiirku xigeenka oo isna aan la dhacsaneyn dib u habeynta uu wado wasiirka Maaliyadda.
Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo Wasiiru kuxigeenka C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku dacweeyay Wasiir Beyle, iyadoo mid waliba ujeedo gaara leeyahay. Waxaana wasiiru dowlaha oo kasoo jeeda Puntland uu hadda rajo ka qabaa inuu ku guuleysto ololaha beeleed ee uu ku doonayo in Wasaaradda Maaliyadda uu ka dhigo mid uu isagu maamulo ama taladiisa ku socota.
Wadani