Warar isa soo taraya ayaa ka hadlaya xiriira Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre la leeyahay dalalka saameynta ku leh Soomaaliya.
Xogta ay heshay Wadani.com ayaa sheegeysa in Xasan Kheyre inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, isla markaana ay saaxiibo yihiin madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Arrintan ayaa waxaa keentay iyadoo uu Mudane Kheyre muddo dheer ka howlgalayay dalalka Bariga, gaar ahaan fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi, si joogto ahna uga howlgeli jiray xerooyinka qaxootiga Waqooyi Bari Kenya.
Xasan Kheyre ayaa la sheegay inuu Muqdisho soo gaaray maalintii caleemasaarka madaxweyne Farmaajo ee 22-ka Febraayo, isagoo la socday diyaaradii gaarka ahayd ee madaxweynaha Kenya, arrintaas oo shaki weyn dhalisay.
Kenya ayaa ahayd dowladda kaliya ee madaxweyne Farmaajo u diray dhambaal gaar ah, kaasoo wafdi ka tegay Muqdisho ay gaarsiiyeen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Ra’iisal wasaaraha oo maanta la filayo inuu codka kalsoonida ka helo Baarlamaanka ayaa ka mid ahaa madaxdii shirkadda Soma Oil, taasoo ku lug lahayd sahminta shidaalka Soomaaliya.
Wadani.com