Waxaa si lama filaan maanta xilkii looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xasan Macallin Xuseen iyadoo uu xilkaasi hayey wax ka yar 50 maalmood.
Wasiirka oo la magacaabay iyadoo ay taagan tahay qorshe ay wateen xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu danbeyn la sheegay inuu la socon waayey qorshahaasi, taasoo keentay inuu xilkiisa ku waayo.
Madaxda dowladda iyo saaxiibadoo ayaa waday qorshe ah in la balaariyo diyaaradaha qaada xujeda Soomaalida oo lagu soo daro saddex shirkadood oo cusub, halkii ay hore ugu xirneyd labada shirkadood ee Jubba iyo Daallo oo muddo dheer leynkaasi heystay.
Xog hoos oo Wadani.net heshay ayaa sheegaysa in wasiirka xilka laga qaaday markii uu arkay xaaladda ka taagan arrinta xajka uu go’aansaday inuu sidiiisii ahaado qorshihii xajka oo ku koobnaado shirkadii hore inta xal laga gaarayo, isagoo aan qaadan amarradii kasoo baxay wasaaradda xilli ay wasiir la’aan ahayd oo xajka sanadkan u goysay qiime ah $3300, kuna soo kordhisay shirkadihii hore saddexda shirkadood ee kala ah: Freedom Airlines, Ocean Airlines iyo East Africa
Wasiirka oo dhowaan Cimradii tegay Sacuudiga ayaa kulamo la yeeshay wakiilada Shirkadaha Jubba iyo Daallo oo ku qanciyey in xajka sanadkan loo daayo sidii hore, taasoo uu si weyn uga carooday Ra’iisal wasaare Kheyre.
Wasiirka oo magaalada Muqdisho ku sugan ayay arrintan isku fahmi waayeen Ra’iiasal wasaaraha iyo Madaxtooyada, waxayna ugu dambeyn noqotay inuu xilkii ku waayo.
Ra’iisal wasaare Kheyre oo Shaqadii ka eryay mid ka mida Wasiiradiisa [Waa kuma..?]