Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka soo dhex muuqan weyday hogaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya kadib doorashadii shalay 22 Janaayo 2017 ka dhacday magaalada Muqdisho.
Puntland waxay mar waliba ahayd maamulka kaliya ee u dooda inuu dalku yeesho Aqal Sare, waxayna ka hor timid go’aankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaatay sanadkii 2012 oo uu ku laalay qodobkii dhismaha Aqalka Sare oo markaas aan jirin.
Afartii sano dowladii Xasan Sheekh waxay ku dhammaatay Puntland oo daba taagan isla markaana diidan wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, wuxuuna ka mid ahaa khilaafyadii dhex maray dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.
Ujeedka ay Puntland ka lahayd Aqalka sare waxay dad badan aaminsanaayeen inay tahay sidii ay awood dheeraad ah ugu heli lahayd xakameynta hogaanka sare Soomaaliya, laakiin waxaa muuqata in arrimihii oo dhan ay is bedeleen.
Aqalkii ay wax waliba u sameysay inuu dhismo Puntland ugu danbeyn waa dhameystirmay, waxaana la doortay guddoonkiisa, laakiin waxaa dhacday in Puntland ka dhex muuqan weydo hogaanka Aqalkan, ayna musharixiintii Puntland ka haraan tartanka doorashada.
Arrintan waxaa loo fasirtay inay caddeyn u tahay miisaanka siyaasadeed ee Puntland ku dhex leedahay Federaalka oo heerkii ugu hooseeyay maraya, waxaana la oran inay sababeen arrimo is biirsaday oo ay ka mid yihin:
- Isla weynidii siyaasadeed ee maamulka Puntalnd oo ka dhigay keli socod.
- Inaysan jirin isbaheysi iyo midow ka dhaxeeya siyaasyiinta, xildhibaanada iyo maamulka Puntland.
- In Puntland caddow siyaasadeed ka dhex sameysatay maamul goboleedyada oo dhan.
- Iyo Isbedelka socda oo aan saacideynin siyaasiyiinta hor boodaya Puntland oo aan ahayn kuwo cusub oo soo jiidasho leh.
Arrimahan oo dhan waxay keeneen inay Puntland madi ku noqoto ololaha doorashada, waxaana aad u sii yaraaday galaangalka madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ee doorashada.
Dad badan oo reer Puntland ah ayaa qaba in wixii ka dhacay Doorashadii guddoonka Aqalka sare ay sugeyso siyaasiyiinta musharixiinta ah ee ka soo jeeda Puntalnd, wuxuuna dadkaasi midkood saadaaliyay in in laba musharax oo isku beel ah isugu soo hari doonaan Doorashada madaxweynaha Soomaaliya, halka siyaasiga ugu dhow ee Puntland uu heli doono codadkii uu Xildhibaan C/risaaq Jurille ka helay wareegii koowaad ee doorashadii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare.
GOOBJOOGE.COM