Mid ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa barihiisa Bulshada u adeegsada inuu dadka Soomaaliyeed ee uu xilka ka rabo kula hadlo luqad Qalaad.
Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay musharixiinta ugu waaweyn ku jirta tartanka xilka madaxweynaha Soomaaliya, sidaaso ay tahayna bartiisa rasmiga ahee twitter-ka waxay ka caagan tahay Afkiisa hooyo ee Soomaaliga, iyadoo aan lagu arkeyn farriin ku qoran far-soomaali.
Waxaa la yaab lahayd inuu dhowaan soo dhigay baaq ku saabsan colaaadda magaalada Gaalkacyo ka taagan isagoo dhinacyada dagaalamaya ugu yeeray inay jooojiyaan dagaalka, laakin wuxuu adeegsaday Af-Ingiriisi.
Lama oga cidda uu la hadlayo musharaxan inay tahay Soomaali iyo inuu doonayo baaqiisa inay arkaan wakiilada Beesha caalamka oo qura, laakiin waxaa cad inuu Afka Soomaaliga iska dhowro, lase arki doonee wixii ka bedelo arrintan.
The indiscriminate killing and injuring of civilians in Galkacyo has no justification. We call upon warring parties to end this carnage.
— Jabril Ibrahim Abdulle (@Ijabril) October 13, 2016
Wadani.com