Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»KASHIFAAD: Musuqmaasuqa ka dhex jira Wasaarada Wafaafinta Soomaaliya 

    KASHIFAAD: Musuqmaasuqa ka dhex jira Wasaarada Wafaafinta Soomaaliya 

    July 7, 2015Updated:April 9, 20173 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay tahay Wasaaradda ugu musuqmaasuqa badan xukuumadda Soomaaliya marka la fiiriyo hanti ay ku qaado xisaab ka baxsan tan dowladda u diiwaan gashan ee xisaabiyaha guud ee dowladda hoos timaada.

    Dhismaha-Wasaarada-Warfaafinta

    Wasaaradda maaliyadda ayaa dhowaan ka sheegtay shirarkii Golaha wasiirada in wasaaradda warfaafinta ay qaado lacago kala duwan oo si madax bannaan iyadu isaga qaadato iyadoo aanay dowladda waxba kala socon xisaabiyaha guud dokumentiyadiisana aan ku soo bixin.

    Sidoo kale hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa wareysi uu shalay 5 July 2015 siiyay VOA laanta Af-Soomaaliya ku eedeeyay wasaaraddani inay TV-gaQaranka u adeegsato ganacsi ahaan, halkii ay ahayd in dadka laga wacyi geliyo.

    Haddaba markii Wadani.com dib u eegis ku sameysay arrimahan oo dhami, waxaa u soo baxday:

    1 – In wasaaradda Warfaafinta muddo dheer ku dhaqmeysayqaadistalacagoaan u diiwaan gashaneyn dowladda oos haridarro ah.

    2 – In wasaaradani ay leedahay boonooyin ay lacag ku qabato oo iskeed ay suuqa uga sameysatay.

    3 – Iyo inay heshiisyo la gasho dhinacyo kala duwan oo aan la soo marin dowladda iyo baarlamaanka midna.

    Waxaa xusid mudan inay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya lacagaha kasoo galaan ilo ay kamid yihiin:

    1 – Heshiis baahin ah oo ay kula jirto Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) si barnaamijyada laanta Afka Soomaaliga looga baahiyo Radio Muqdisho

    2 – Diiwaangelinta Warbaahinta kala duwan sida (TV-yada iyo warbaahinta caalamiga ah), TV-yada gudaha, Idaacadaha iyo qeybaha kale ee warbaahinta

    3 – Khidmo sanadeed laga qaado Idaacadaha ka jira Muqdisho iyo Frequency bixin

    4 – Iidhehyada ka baxa Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka.

    5 – Iyo Ilo kale oo deeq u badan oo aan lagu xisaabtamin

    Dhammaan lacagaha ka yimaada ilahaas kala duwan ee wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka waxay ku dhacaan jeebab shaqsiyaad mas’uuliyad haya mana xaroodaan dowladda, lamana oga meesha ay ku baxaan, lacagahaas qaarkood ma laha wax boono (receipt) ah sida uu Wadani.com u xaqiijiyay mid ka mida milkiilayaasha Warbaahinta Muqdisho oo sheegay inuu mid ka mida agaasimeyaasha wasaaradda ka codsaday in la siiyo boono caddeyneysa lacagta laga qaaday oo ahayd sanadle, balse uu ka waayay.

    Sidaasoo ay tahay wasaaraddani waxaa ku baxda miisaaniyad badan oo dowladda u qoondeysay, waxaana laga hormariyaa bixinta shidaalka Radiyo Muqdisho iyo kirada satelite-ka TV-ga Qaranka mushaarka ciidamada…!! sida uu dhowaan baarlamaanka hortiisa ka xaqiijiyay wasiirka maaliyadda Maxamed Adan Fargeeti.

    Tusaale ahaan Miisaaniyadii 2014 waxay wasaaradda warfaafinta looga qoondeeyay lacag ku dhow 3 Milyan oo doolar, waxayna ahayd 2,984,012 (Laba Milyan sagaal boqol sideetan iyo afar kun iyo toban iyo laba doolar). Waxaa la yaab lahayd in lacagta ay wasaaradda warfaafinta qabatay kuna shubtay Bankiga dhexe sanadka 2014 oo dhan ay tahay: $3,900 (saddex kun iyo sagaal boqol doolar).

    Wasiir kasta oo wasaaradani madax ka noqda wuxuu dhexda uga dhacaa koox mas’uuliyiin kala duwan ah oo ku xidideystay wasaaradda, wuxuuna la qabsadaa kooxdaasi oo dano hoose kula heshiisa.

    Ma jirto cid ka hadashay arrintan, waxaan kaloo jirin isla xisaabtan golayaasha dowladda dhexdooda ah oo wasiiradu ka tirsan xukuumadda way iska heybeystaan, laakiin waxaa ammaan mudan hanti-dhowrka guud oo arrimo badan oo wasaaradani ka mid tahay gacanta ku haya.

    Ma aha oo kaliya in dowladda Soomaaliya ka maqan tahay lacago badan oo hay;ado dowladeed leexsadaan iyo in Wasaaraddan oo kaliya ku kooban tahay, waxaanan qormadeena labaad kusoo bandhigi doonnaa wasaarado iyo hay’ado kale oo hanti dowladeed si gaara u qaata.

    Wadani.com

     

    MUSUQMAASUQ Wasaaradda warfaafinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGolaha Wasiirada oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn (Dacwadii Badda ma laga noqonayaa?)
    Next Article Al-Shabaab kill 14 people in Mandera

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo