Iyadoo doorashada Aqalka sare ay ka dhici doonto maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan mushariixinta.
Mid ka mida 8-da Kursi ee lagu tartamayo waxaa loo qoondeeyay Beesha Wacbuudhan, laakiin waxaa dhacday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si hoose kursiga u siiyo Muuse Suudi Yalaxow iyadoo aan wax la tashi ah laga yeelan beelaha uu ka dhaxeeyay kursiga.
Arrinta kale ee la yaabka leh ayaa ah in Muuse Suudi uu isagu keensaday qofka kula tartamaya kursiga oo ah Xasan Cali Caadle, isagoo ka bixiyay kharashka is-diiwaan gelinta si uu ugu noqdo sawir boos celis ah.
Kursigan ayaa noqday mid fadeexeysan oo raali laga yahay marka la eego sida ay wax u socdaan, wuxuuna ka mid yahay kuraas fara badan oo sidan oo kale loogu loolamay, kuwaasoo musharixiin caan ah ay la yimaadeen xubnihii la tartami lahaa.
Wadani.com