Ololaha Doorashada 2016 ayaa weji cusub galay iyadoo kooxda Damjadiid ay wado dadaallo ay ku dooneyso in xubnaha ugu badan ay ku yeelato Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxdooyada ayaa isku dayday inay jagooyin xildhibaan u soo sharaxdo shaqaalihii madaxtooyada iyo gacan-yareyaashii Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo kharashka laga bixinayo, laakiin dadaaladasi waxay noqdeen kuwo lagu fashilmay.
Xubnaha la diyaariyay ee haddana socon waayay waxaa ka mida:
- Shadoor Xaaji Shadoor oo ka mida Shaqaalaha madaxtooyada ee dhinac warbaahinta ayaa ka mid ahaa dadkii loo sheegay inay xildhibaan noqonayaan, waxayse xaaladu is bedeshay markii Alxaaji Muuse Suudi Yalaxow uu diiday in lala sharo, isla markaana kursigii aqalka hoose ee jufada wiilkan da’da yar ay haween u bateen musharixiinta.
- Agaasime ku xigeenka madaxtooyada ninka lagu magacaabo Saadaq C/kariin ayaa isna lagu dhiirigeliyay inuu isu sharxo aqalka hoose ee Baarlamaanka ee jufada uu ka soo jeedo madaxweyne Xasan Sheekh oo Baarlamaankii hore uu helay Xasan Sheekh, laakiin waxaan jira hubanti la’aan weyn kadib markii uu ku soo baxay aqoonyahan kharash badan heysta.
- Waxay kaloo madaxtooyada Soomaaliya dadaal u gashay inay sharaxdo taliyihii hore ee nabadsugidda C/raxmaan Maxamed Tuuryarre oo aad ugu dhow madaxweynaha, wuxuuna tartan la geli lahaa ganacsadaha kursiga xildhibaan xirtay ee Caddow Cali Gees, laakiin waxaa iyana fashilantay arrintan oo laga noqday.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taageero badan ka helaya beelaha kale oo ay si weyn u soo galeen xildhibaano iyo senatooro taageersan, laakiin waxaa muuqata in beeshiisa hoose ay xaaladu ku xun tahay.
Wadani.com