Dalal badan oo daneynaya shidaalka iyo dekadaha Somalia ayaa ku lug yeeshay waanwaan qarsoodi ah oo laga dhex wado dowladaha Somalia iyo Kenya oo isku haya xuduudka badda ee udhaxeeya.
Dhexdhexaadinta labada dal waxaa si rasmi ah ugu dhex jiray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo ay u suuragashay inuu madaxweynayaasha labada dal ku kulmiyo magaalada Nairobi, kadib markii ay bishii Maarso ay Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wada socda ka degaan magaalada Nairobi.

Dalalka kale ee ku soo biiray dhexdhexaadinta Somalia iyo Kenya waxay kala yihiin Qatar iyo Norway, waxaana doorka dowladda Qatar oo saaxiib la ah madaxda dowlada Somalia uu soo baxay kadib socdaal uu Ra’iisal wasaare Kheyre ku tegay dalka Qatar aakhirkii Bishii May, iyadoo Qatar ay la timid qorshe ay ku dhexdhexaadineuyso Kenya iyo Somalia.

Dowladda Norway ayaa ah tan uu salka ku hayo muranka Xuduudka labada dal ee Kenya iyo Somalia, waxaana la sheegaa inay dowladii Somalia ku qalqaabisay heshiiskii is-afgradka ahaa ee Somalia-Kenya dhex maray, iyadoo shirkadaha shidaalka Norway ay dano waaweyn ka leeyihiin Somalia iyo Kenya oo xeebtooda shidaal badan lagu tuhusan yahay.

Madaxtooyada Somalia ayaa hore u inkirtay safarkii Farmaajo iyo Abiy Ahmed ee Nairobi in looga hadlay arrinta dacwadda Badda, sidoo kale ma jirin wax faahfaahin ah oo laga bixiyey safarkii Ra’iisal wasaaraha ee dalka Qatar iyo socdaalkii ugu danbeeyay ee wasiiradda arrimaha dibadda Norway ku timid Muqdisho.
Kenya ayaa si hoose ugu eedeysay dalalka reer Galbeedka inay la safan yihiin Soomaaliya oo ay sii shidayaan xiisadda kala dhaxeysa Somalia, waxaana dalalka ay eedeysan ka mida Norway.
Dhexdhexaadin laga galo dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya ayaa ka dhigan in meesha laga saaro dacwadda ay Somalia u gudbisay maxkamadda cadaaladda ee ICJ, iyadoo aanay caddeyn inta madaxda dowladda Somalia ay ku sii adkeysan karaan dacwadaasi oo noqotay mowqif qaran.