Shaki weyn iyo hubanti la’aan ayaa hareysay Isbaheysiga doorashada ee ka dhaxeeya Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Ilo ku dhowdhow ololaha Cumar C/rashiid ayaa sheegaya inay jirto kalsooni darro ku aadan dhaqdhaqaaqa Xildhibaan Sanbaloolshe oo muddooyinkii dambe noqday mid ka mida taageerayaasha ugu weyn ee Cumar C/rashiid.
Sanbaloolshe oo lagu yaqaan fudeyd siyaasadeed iyo mowqifyo qayaxan ayaa jagada xildhibaannimo ku helay gacan uu siiyay madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo markaas kadib iska dhigay xildhibaan mucaarad weyn ku ah soo laabashada Xasan Sheekh.
Shakiga ayaa sii xoogeystay kadib markii madaxweynaha Galmudug ka baxay isbaheysigii Shariif Xasan ee Doorashada, waxaana kooxda Cumar C/rashiid ku soo furmay tuhun ah in Sanbaloolshe oo hore gacansaar weyn ula lahaa kooxda Damjadiid ujeedkiisu yahay inuu kala tuuro qorshaha musharaxnimada madaxweyne ee Cumar C/rashiid, maadaama aanay sahlanyn inuu ka abaal dhaco Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo xubin firfircoon uu ka ahaa.
Wadani.com