Waxaa mar qura lagu soo baraarugay digniin xalay kasoo baxday Booliska iyo Sirdoonka Kenya oo ku saabsanaa in dalka Kenya uu so galay ninka lagu magacaabo C/wahab Khaliif Ciise (Ciise Trabuun), kaasoo lagu ogaa inay gacanta ku heysay dowladda Somalia.
Booliska Kenya oo shaaciyey muuqaalkii ugu horeeyay ee Ciise Trabuun ayaa dadka ka codsaday inay ku wargeliyaan hadii ay arkaan ama ay warkiisa helaan, waxaana Ciise lagu ogaa cidamada Nabadsugidda Somaaliya oo July 2017 kasoo qabtay suuqa Bakaaraha, xilligaas oo wasiirka Amniga xukuumadda Somalia uu sheegay inuu yahay madixii Amniyaadka Alshabaab ee G/Banaadir, lana soo taagi doono Maxkamad.
Kadib warka Booliska Kenya kasoo baxay ayaa la xaqiijiyey inuu Ciise Trabuun uu ka dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisjho, waxayna xogta ay heshay Wadani.net sheegeysaa inay Garoonka ku qabteen ciidamada nabadsugidda, isagoo markaas tusiyey qoraal kasoo baxay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo fasaxday, kadibna waxaa sidaasi u xaqiijiyey ciidamada Guddoomiyaha Maxkamadda Col. Shuute.
Wararka dheraadka ah ee laga helay arrinta Ciise Tarabuun ayaa sheegeysa in qoyskiisa ay u sameeyeen Baasaboor, ayna ka dhoofiyeen dalka si looga badbaadiyo in mar kale ay xiraan ciidamada Amniga, waxayna warrku sheegayaan in dembigii Alshabaabnimada ahaa lagu waayey, iyadoo lagu xukumay 2 sano oo xarig ah, kaasoo uu dhammeystay.
Ma jirto caddeyn iyo faahfaahin kasoo baxday Hay’adaha Amniga iyo Garsoorka Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan arrinta Ciise Trabuun, waxaana shakiga dhaliyey iyadoo aan shaacin maxkamad lasoo taagay iyo xabsi lagu xukumay midna, isagoo weliba dowladda ay ku eedeysay inuu ahaa madixii Amniyaadka ugu qaabilsanaa Alshabaab magaalada Muqdisho.
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa laga rabaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Ciise Trabuun iyo sida uu xoriyadiisa dib ugu helay iyadoo aan la shaacin maxkamadiisa, sidii hore loogu eedeeyay inuu ka mid ahaa Amniyaadka Alshabaab iyo ugu danbeyn sida loo fasaxay iyo arrimo siyaasadeed iyo madax sare ku lug lahaayeen iyo in kale.