Wixii ka dambeeyay 11 Maarso 2019 oo guddoomiyaha G/Banaadir uu soo saaray wareegto ku saabsan in dowladu la wareegtay xaruntii Ciidamada Badda Soomaaliya (Ex-Marino), Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda ee ku yaala degmadda Cabdicasiis laguna asteeyay dhul diblomaasi ayaa ka dhashay xiisad uu horseed u yahay Senator Muuse Suudi Yalaxow.
Dhulkan oo ah mid ballaaran, kuna dhereran xeebta oo dowladihii hore ay siiyeen siyaasiyiin, saraakiil iyo dad kala duwan oo fara badan ayaa waxa kaliya oo baraha bulshada qabsaday Xaaji Muuse Suudi oo isagu tan iyo sanadkii 1998 qabsaday xarunta dhismooyinka Mariinada oo dagaaladii sokeeya ahayd isbitaal ay ICRC taageerto.
Muuse Suudi Yalahow oo xaruntaasi u ahayd saldhig ciidan, waxaa xusid mudan in dhulka Ciidamada Badda kaliya aanu heysan ee uu ku darsaday dhul kale oo dhinaca xeebta ka xiga xarunta uu degan yahay, kaasoo ay lahaayeen dad shacab ah.
Ilmaha uu dhalay Marxuum Maxamed Cali Dacar oo ahaa siyaasi hore oo ka tirsanaa ururkii SYL iyo dowladii rayidka ayaa dhulkaasi ku leh laba boos oo dhinaca badda ka xiga xarunta uu Muuse Suudi degan yahay Gurigii taliyaha ciidamada Badad, waxaana dhacday inuu dhulkaasi la wareegay Muuse Suudi, kuna darsaday xarunta uu heysto.
Muddo kadib waxaa sanadkii 2015 Muqdisho yimid qaar ka mida caruurtii AUN Maxamed Cali Dacar oo degan dalka Mareykanka, waxayna damceen dhistaan dhulkaasi ama ay derbi ku wareejiyaan, laakiin waxaa weerar ku qaaday ciidamo uu leeyahay Muuse Suudi oo rasaas ku kala ereyay dadkii dhismaha waday.
Arrintaasi waxay gaartay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo markaasi ahaa Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana arrinta ku soo baxay siyaasiyiin ka kala socda Muuse Suudi iyo reerka uu gurigooda heystay, waxaana shirar arrintan lagu furdaaminayo ka dhaceen Muqdisho, laakiin waxaa lagu fashilmay in Muuse Suudi lagu qanciyo inuu dhulkaasi ku wareejiyo reerka leh ee sharciga u heysta.
Siyaasiyiinta xilligaasi arrinta gashay waxaa ka mid ahaa C/weli Gaas, C/raxmaan Faroole, C/raxmaan Yariisow, Maxamed Islow Ducaale, Canshuur, duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale oo dhammaantood ku fashilmay inay Muuse Suudi ku qanciyaan inuu ka tanaasulo dhulka ay dadka shacabka ah leeyihiin.
Cabdimaalik Maxamed Cali Dacar oo ka mida caruurta dhulkaasi leh ayaa baaq kasoo saaray dalka Mareykanka, kadib markii Guddoomiyaha G/Banaadir uu sheegay in dhulkaasi uu yahay dan guud oo loo asteeyay safaarado, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey sida dhulkaasi uu aabihii ku milkiyey iyo waxa dhex maray iyaga iyo Muuse Suudi, isagoo caddeeyay in Guddoomiyaha xilligan ee G/Banaadir uu ka mid ahaa dadkii waanwaanta ka galay in dhulkooda looga qaado Muuse Suudi.
Cabdimaalik ayaa soo bandhigaya dokumintiyo muujinaya lahaanshaha dhulkaas oo uu lahaa Aabihiis Maxamed Cali Dacar dhulkaas yeeshay sanadkii 1965, ayna lahaayeen muddo 54 sano ah.
Qoyskan ayaa waxaa isugu darsantay iyadoo dhulkooda markii hore uu awood uga heystay Senator Muuse Suudi, kadibna ay Dan guud uu ka dhigay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana hadda isku heysta dowladda Soomaaliya Senator Muuse Suudi.
HOOS KA DAAWO
– SIDEE MUUSE SUUDI KU SHEEGTAY DHULKA MARIINADA, YAASE SIIYEY..? [W/Q: XILDHIBAAN FIQI]