Kursiga Baarlamaanka Federaalka ee Beesha Cali Madaxweyne ee Xawaadle ayaa noqday mid u xayiran hal siyaasi oo lagu guuleysan waayey in rabitaankiisa la’aantiis la buuxin waayo muddo sanad ku dhow.
Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo kursigan ku soo baxay kadib markii uu gacan kuy siiyey madaxweynihii xilligaasi ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosobe ayaa waxaa dhacday maalintii doorashada in laga hor istaagay hoolkii doorashada ka dhaceysay musharixii ugu weynaa ee la tartamayay C/fataax Xasan Afrax. [Akhri Warkan]
Sanbaloolshe ayaa xilkan baneeyay isla markii loo magacaabay taliyaha NISA 6-dii April 2017, sida uu qorayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya [AKhri Warbixintan], waxaana markaas kadib uu ahaa kursigan mid u xayiran Sanbloolshe, taasoo ay ugu wacneyd inuu heshiis hoose kula galay Nabadoonka jufadiisa oo hor istaagay in la buuxiyo.
Kursigan wuxuu Sanbaloolshe u xayirnaa muddo 10 bilood ah, waxaana doorashadiisa ay ka dhaceysaa maanta magaalada Jowhar sanad kadib markii uu ku soo baxay doorasho muran weyn ka taagnaa [Akhri Natiijada Doorashadii hore].
Taliyihii hore ee NISA iyo xildhibaankii kursigan hore u banneeyay ayaa lagu wadaa inuu mar kale ku soo baxo kursigan, inkastoo loolan adag uu ka soo wajahay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.