11/10/2016. Sidee Wasiir Fargeeti ku waayay kursigii beeshiisa Disow ee Aqalka hoose..? Imisa lacag ayuuse ku bixiyay.
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aaden Fargeeti ayaa madax xanuun ka qaaday guuldarradii ku dhacday markii looga adkaaday kursigii xildhibaanka Aqalka Hoose ee beeshiisa.
Wasiir Fargeeti ayaa la sheegay in lacag ku dhow $ 200,000 oo ku bixiyay sidii uu kursiga ugu guuleysan lahaa, isagoo ergo gaareysa 30 u qeybiyay lacag dhan 187,000 oo doolar, laakiin waxaa dhacday in hal cod looga qaaday kursiga markii laba wareeg oo doorasho ah uu la galay Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ahaa Baarlamaankii horeĀ ee Soomaaliya, wasiirna soo noqday.
Guuldarrada soo wajahday Wasiir Fargeeti ayaa ah tii ugu qaraareyd iyadoo uu sidoo kale waayay lacag fara badan, waxaana loo aaneynayaa inuu ahaa musharax aan shacbiyad ku lahayd beeshiisa dhexdeeda.
Wadani.com