Waxaa muddooyinkan danbe soo if baxay xildhibaano olole siyaasadeed ka wada Gobolka Bakool oo cadaadis ku haya maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaasoo ay isku beel ka soo jeedaan hogaamiyaha Juba Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe).
Xildhibaanadan oo qorshahoodu yahay inay Shariif Xasan iyo Maamulkiisa ku abuuraan qas siyaasadeedka ugu culus xilligan oo la dhisayo Baarlamaanka K/Galbneed, wuxuu qorshahoodu yahay inay Shariif Xasan iyo Maamulkiisa ciriiri geliyaan, isla markaana ay culeys ku saaraan dhinaca IGAD, Itoobiya iyo dowladda Federaalka.
Xildhibaanadan waxay Axmed Madoobe u hayaan shaqo ah inay ka fujiyaan culeyskii uu Shariif Xasan saaray, waxayna arrintani u muuqataa mid aarsi siyaasadeed ah. Inkastoo Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe isku arkeen caleemo saarkii kan dambe ee ka dhacay magaalada Kismaayo, haddana ma jirin wax is-afgarad ah oo ay gaareen, waxaana howsha la wareegay xildhibaanada qas-wadayaasha ee ay ugu horeeyaan:
- Xildhibaan C/wahaab Ugaas Khaliif
- Xildhibaan Axmed Aabi Aadan
- Xildhibaan Maxamed Iidle Xerow
Xilldhibaanada qaska ka dhex wada maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubba
Waxaa sii xoogeysanaya qeylo dhaanta ka taagan degaano ka mida Gobolka Bakool oo ku saabsan dhismaha xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyagoo arrintan ay sii xoojiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku soo caan baxay inay qas ka dhex abuuraan dowlada Federaalka iyo maamulada dalka ka jira qaarkood.
Sawirrada hoose waxay muujinayaan xildhibaanada wada ololaha ka dhanka ah Koonfur Galbeed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddo dhowr jeer ah isaga daba noqday Ceelbarde, waxaysea xaaladu u eg tegay mid beel ahaan u abaabulan oo ah “KU QABSO, KU QADI MEYSIDE”
C/waaxid Ugaas Khaliif wuxuu hore u soo noqday wasiir iyo ra’iisal wasare ku xigeen, wuxuuna saaxiib aad ugu dhow la yahay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas. Dadka qaarkii waxay ku tilmaamaan safiirka C/weli Gaas y u jooga Muqdisho. Inkastoo uu yahay nin af gaaban haddana wuxuu hormuud ka yahay qaska hadda socda ee Ceelbarde, waxayna heyb ahaan isu dhow yihiin Axmed Madoobe.
Xidhibaani Axmed Aabi waa mid ka mida xildhibaanada ugu afka dheer ee taageera Axmed Madoobe wuxuuna la wareegay xilkii C/rashiid Xiddig ee difaaca maamulka Jubba iyo hogaankiisa. Wuxuu ka dhex muuqday isaga iyo C/waaxid Ugaas Video ay xildhibaano sheegay inay Daarood yihiin ku sheegeen inay leeyihiin kala bar gobolka Sh/hoose, Bakool ay saddex degmo ku leeyihiin, isla markaan degaan balaaran ay ka degaan Baydhaba.
DAAWO VIDEO:
[ad name=”HTML-1″]

Xildhibaan Iidle Xerow wuxuu isna ka mid yahay xildhibaanada safka hore uga jira qaska ka dhex oogan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubba, wuxuu ka mid ahaa wafdi markii ugu horeysay tegay Ceelbarde oo ku dhawaaqay in degaanada Ceelbarde, Yeed iyo Aato ay ka baxeen maamulka Koonfur Galbeed, ayna hoos tegayaan dowladda Dhexe, si loogu daro maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa intooda badan u arka ololaha ka socda Ceelbarde mid lagu daboolayo cadaalad darradii beeshani hore ugu boobtay xaqii beelaha kale ee Soomaaliyeed ku lahaayeen maamulka Jubba, haddana ay ku dooneyso inay ku qariso wixii ka dhacay Kismaayo iyo federaal nooc cusub ah oo ku dhisan dhul boob iyo sheegasho degaano aanay lahayn.
DHAGEYSO JAWAABTII XILDHIBAAN AFARAALE
Wadani.com
Faaqidaadda Wadani.com