Abaabul ay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ka wadeen magaalada Nairobi ayaa looga dhawaaqay Dallad isbaheysi xildhibaanno ah oo la magac baxay HOREUSOCOD.
Xildhibaanadan oo si hoose qorshahan u waday ayaa Kutladda ay sameeyeen guddoomiye looga dhigay C/rashiid Xiddig, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan ujeedka xildhibaanadaasi iyo cidda ka dambeysa.
Wadani.com ayaa ogaatay in xildhibaanada tallaabadan qaaday ay yihiin inta badan kuwii QABYO ee taageersanaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayna ka mid yihiin wasiiro iyo mas’uuliyiin xilal hore ka soo qabtay dowladii hore.
Waxaa ugu firfircoon saaxiibadii Madaxweyne Xasan Sheekh, sida wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo wasiiru dowlihii madaxtooyada, wasiirkii hore amniga, wasiiru dowlihii hore ee maaliyadda, iyo xubno kale waxaana ka mida xildhibaano ujeedka ugu weyn yahay inay cudud u muujiyaan dowladda Farmaajo iyo Xasan Kheyre, isla markaana siyaasad ahaan khalkhal geliyaan dowladda cusub oo ay ku eedeeyeen ku takri fal awoodeed iyo la-tashi la’aan.
Kutlada Horusocod ayaa soo shaac baxday, iyadoo aanay 100 maalmood u dhammaan madaxweyne Farmaajo, isla markaana xukuumadda cusub aysan laba bilood jirsan, waxayna dad badan u arkaan mid lagu degdegay oo waqtigeedii kasoo hordhacday.
Wadani.com