Kenya ayaa bilaabeysa wadahadal ku saabsan sidii ay ciidamadeeda qeybta ka ah AMISOM ugala bixi lahayd dalka Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorshaha AMISOM dalka looga saarayo sanadka soo socda ee 2021.
Sida uu qoray Wargeyska Nairobi ka soo baxa ee Daily Nation wasiirka gaashaandhigga Kenya Monica Juma oo hore u ahayd Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi ayaa hoggaamineysa wadahadalkan oo lala galeyo AMISOM, Midowga Afrika iyo Beesha caalaamka.
Ciidamada AMISOM oo Soomaaliya ku sugan in ka badan 10 sanadood ayaa sanad kasta xilka loo kordhiyaa, waxaana Golaha Ammaanka Q/Midoobay dib u eegi doonaa joogista ciidamada AMISOM oo loo dejiyey qorshe ay dalka uga baxayaan sanadka 2021-ka markaasoo ay xilka kala wareegayaan ciidamada Soomaaliya, inkastoo qorshahaas laga cabsi qabo inuu dib u dhaco.
Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo dagaal xoog leh ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ku dhex maray degmada Beled Xaawo ee xuduudda labada dal. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa marar badan caddeeyay inaysan Kenya ciidamadeeda kala baxeynin Soomaaliya inta ay Soomaaliya nabad ka noqoneyso oo laga adkaanayo Alshabaab.
Ciidamada Kenya ayaa bishii October 2011 gudaha faragelin ku sameeyay gala Soomaaliya si ay halkaa ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo halis geiiyay dalxiiska Kenya, waxayna markii dambe ka mid noqdeen AMISOM.