Dowladda Kenya ayaa heegan gelisay ciidamada ammaanka dalkaasi kadib markii sirdoonka dalkaasi ay shegeen inay heleen macluumaad ku saabsan in weeraro argagixiso kusoo fool leeyihiin Garoomada diyaaradaha oo Al-shabab ay qorsheeyeen.
Warka Kenya kasoo baxay ayaa sheegaya 11-qof oo Al-shabab ka tirsan, laguna soo tababartay Somalia ay damacsan yihiin bilowga bisha March ay weeraro ay ka geystaan garoomada Jomo Kenyatta, Wilson iyo Moi oo ku kala yaala Nairobi iyo Mombasa.
Afhayeenka ciidamada Booliska Kenya Eric Kiraithe ayaa ka digay in bartilmaameedyadaasi ay halis ku jiraan ayna qorshaha ka war heleen in 5 ka mida Alshabab oo loo carbiyay sidii u fulin lahaayeen qaraxyadaasi.
Wadani.com