Kenya ayaa ka jawaabtay eedeyntii dowladda Soomaaliya ee ku saabsan inay ka danbeysay abaabulka iyo dagaalkii magaalada Beled Xaawo.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku tilmaamay dagaalka Beled Xaawo ‘mid ka dhacay gudaha Soomaaliya’ oo ah dagaal Soomaali u dhaxeeya oo aanay Kenya wax shaqo ah ku lahayn.
“Kenya wax lug ah kuma laha dagaalka, mana jirin cid ka tirsaneyd ciidamadeena oo u tallaabay dhinaca Soomaaliya, marka ma garan karno waxa ay ugala jeedaan arrintaas, wax lug ah kuma lihiin dagaalka, waa dagaal Soomaaliya dhexdeeda ah..” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya.
Beeninta Kenya ayaa timid markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeeyay inay ka dambeysay oo ay hubeysab maleeshiyooyinka dagaalka kusoo qaaday magaalada Beledxaawo.
Kenya ayaa sidoo kale qoraal ogeysiin ah u dirtay Midowga Afrika iyadoo welwel ka muujisay dagaalka Beledxaawo oo ay sheegtay inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
