Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa si cad u sheegay in dowladda Kenya aysan marna dib uga laaban doonin go’aankeeda ah inay Derbi dheer ka dhisto xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Derbiga looga hortegayo weerarada argagixiso ee uga yimaada kooxda Alshabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

‘’Haddii nabad ay ka dhalato Soomaaliya, anagoo kaashanayna Dowladda Soomaaliya waxaan burburin doonnaa Derbiga’’ ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo saxaafadda dalkaasi ay soo xigatay.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa cambaareysay talaabadan Xukuumadda Kenya ay darbi uga dhiseyso inta u dhaxeysa Mandheera iyo Beledxaawo, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay si cad u sheegeen in Derbigaasi aanu waxba ka tareynin nabadda.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]