Kenya ayaa aad uga carootay in garoonkeeda caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA), Nairobi lala barbadhigay Soomaaliya waxayna dalbatay raaligelin.
Hadal u toddobaadkii la soo dhaafay jeediyay guddoomiyihii hore ee Shirkada diyaaradaha ee Australia kaddib markii shirkadda dulimaadka Qantas lagu qasbay diyaaradeeda inay bixiso $18,000 oo ganaax ah maadama ay si aan qorsheysnayn uga dagtay garoon ku yaalla dalka Australia.
Diyaaradda ayaa loo weeciyay garoonka Canberra oo ay muddo 8 daqiiqo ah ku sugneyd, maadaama ay hawada ay ku duuleysay xumeyd. Mr. Graeme Samuel oo ka hadlayay kulan ku saabsanaa duulimaadyada oo Australia ka dhacay ayaa ka carooday ganaaxa diyaaradda lagu soo rogay iyo sida loola dhaqmay iyadoo gaari lagu hor gooyey ilaa lacag ganaasx ah laga qaato, isagoo yiri:
“Diyaarad si aan qorsheysnayn oo degdeg ah uga dagtay garoon ayaa lagu horgooyay gaari si aysan u duulin laguna qasbay inay $18,000 bixiso. Ma qiyaasi karo meel dunida ka mid ah oo arrintan oo kale ay ka dhici karto, marka laga reebo Soomaaliya iyo Nairobi”, ayuu yiri Graeme Samuel oo ka hadlay qisadan oo dhacday March sanadkii hore.
Samuel ayaa intaasi ku daray in arrintaa lagu matali kara dhaqanka burcad badeedda Soomaalida oo kali ah. Safiirka Kenya u fadhiya dalka Australia ayaa warqad cabsho ah u qoray wasaaradda arrimaha dibedda ee Australia, wuxuuna caro ka muujiyay arrintan wuxuuna sheegay “inay nasiib darro tahay in garoonka sida wayn loo qaddariyo ee Jomo Kenyatta aan lagu matali karin dhaqanka burcad badeedda.”
Wuxuuna sheegay in ”Kenya ay kumanaan ciidan u dirtay Soomaaliya si ay gacan u geystaan soo celinta nabadda dal ay dunida inteeda badan xaaladiisa iska indha tirtay’.’
Graeme Samuel ayaa markiiba raalgelin ka bixiyay dhacdadaasi, wuxuuna sheegay inuusan u gol lahayn inuu xummaan u soo jiido garoonka Kenya. Warqad uu u qoray safaaradda Kenya ee Australia ayaa ku sheegay inay wax ka khaldanaayeen xulashada erayadiisa.
