Afar ka mida hogaamiyeyasha sare ee kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay weerar ay diyaarad Drone ah ku qaaday degaanka Jungal ee duleedka magaalada Baardheere sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya. Saraakiisha la dilay ayay Kenya shaaciyay inuu ka mid yahay Maxamed Kuno oo loo yaqaan Dul-yadeyn iyo Gacamadheere, magaciisa kalena uu ahaa Ismaciil Jabhad.
Ninkan waxay Kenya ku eedeysay inuu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Jaamacada Gaarisa ee lagu dilay 148 ruux. Waxayna madaxiisa saartay lacag malaayiin shilinka Kenya ah.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Mwenda Njoka ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in weerarka oo ka dhacay tuulada Jungal ee u dhaxeysa Baardheere iyo Buulo xaaji waaberigii Khamiistii lagu burburiyay gaari ay saraakiisha Alshabaab la socdeen.
Afhayeenka Mwenda Njoka ayaa mar dambe dib uga laabtay warkii uu hore u bixiyay isagoo sheegay inaysan sax ahayn dhimashada Maxamed Kuna, taasoo meesha ka saartay warkii hore ee dilkiisa oo afhayeenkani ku fududaaday shaacintiisa.
Standard
[ad name=”HTML-1″]