Kenya ayaa sheegtay in xafiiskaas loo beddelay mid diblomaasiyadeed, taas oo aanay dowladda Kenya oggolayn maadaama aan oggolaansho laga haysan. “Kenya waxay ka walaacsan tahay munaasabadda la qorsheeyay 27-ka May, taasoo aan oggolaansho ka haysan Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Heerka xafiis diblomaasiyadeed ma haysto oggolaansho, lamana oggolaan karo in sidan lagu sii wado,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.
Kenya waxay Somaliland xiriirka ay la leedahayku sheegtay mid kor loogu qaadayo ganacsiga iyo ammaanka, isla markaana ay ixtiraamayso madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Somaliland ayaa muddo dheer xafiis wakiileed ku lahayd dalka Kenya, halka Kenya ay horay u shaacisay inay xafiis wakiileed ka furanayso magaalada Hargeysa. Si kastaba ha ahaatee, labada xafiis midkoodna ma gaarsiisna heer diblomaasiyadeed.
Diidmada Kenya ayaa kusoo beegsamaysa xili uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu safar ku joogo Nairobi.