Madaxweynaha la doortay ee shacbiyadda badan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu galay khaladii ugu horeeyay isagoo aan weli xilka la wareegin.
Khaladkan ayaa astaan u noqon doono hab dhaqanka maamuleed ee madaxweynaha iyo kuwa xilligan gacan-yareysaasha u ah oo u badan dhalinyaro xamaasadeysan oo khibradooda maamul iyo dowladeed ay aad u yar tahay, kana fekeri karin saameynta tallaabooyinka ay qaadaan.
Qaabka kooxda Farmaajo u wajaheen ninkii ku caan baxay taageerada madaxweyne Farmaajo ee C/llaahi Maxamed Cusmaan (Daanyeerow) wuxuu ahaa khalad weyn iyo tusaale dadka u diraya farriin aan wanaagsaneyn.
Mid ka mida gacan-yareysaasha Farmaajo ayaa FB soo dhigay: “Ma aha kaliya inuu helay codsigii ahaa Ar_Farmaajo_Hala_Ii_geeyo ee waxaa kale oo uu noqday qofkii ugu horreeyay ee uu shaqaaleysiiyo Madaxweyne Farmaajo. Kuma laaban doono Jowhar. Wuxuu ka shaqeyn doonaa insha Allah xafiiska ugu sarreeya ee dalka..”
Haddiiba C/llaahi Daanyeerow loo suurageliyay la-kulanka madaxweynaha waxay ahayd arrin fiican, laakiin in madaxtooyada laga shaqaaleysiiyo oo noloshisii oo dhan la bedelo waa xaalad wanaag u muuqata laakiin halisteeda leh.
Ninkan wuxuu ahaa beeraley noloshiisa caadiga ah wata ayna ku xiran yihiin qoyskiisa iyo caruur agoon ah oo walaalo ay yihiin, qaabka ugu fiican ee madaxweyne Farmaajo ku taageeri karo waxay ahayd inuu ku taakuleeyo sidii uu shaqadiisa u xoojin lahaa, sidii uu beertiisa u balaarin lahaa ee ma ahayn nin Muqdisho loo soo raro isaga iyo qoyskiisna noloshoodii la bedelo.
AAN IS WEYDIINO SU’AALAHAN:
1- Imisa qof ayaa sida Ninkan oo kale ah oo shaqo u baahan.
2- Kooxda Farmaajo shaqo ma siin karaan malaayiinta taageersan ee la mida Daanyeerow
3- Marka qof beeraley ah oo wax soosaar kusii jeeda u bedesho shaqaale madaxtooyo imisa beeraley ayay dhiirigelin kartaa inay shaqooyinkoodii ka tagaan.
Kooxda Madaxweynaha haloo sheego inaysan dadka ku deeqi karin shaqo iyo lacag ay siiyaan, balse shaqada laga sugayo ay ka weyn tahay shaqo ay siiyaan qof taageere ah iyo baraha bulshada oo la isku xayeysiiyo.
Wadani.com