Khamri ka koobnaa 905 Kartoon oo midkiiba ay ku jirto 12 Dhalo oo dhowaan lagu qabtay dekada Muqdisho ayaa saxaafadda loo soo bandhigay maanta.
Khamriga ayaa ku jiray Konteenaro, waxaana goobta lagu soo bandhigay ku sugnaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Taliyaha Hogaanka ilaalada Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Dekada Muqdisho.
Ganacsadihii lahaa shixnadda Khamriga ayaa la sheegay in hayo oo maxkamad la soo taagi doono dhowaan. iyadoo laga soo dhex saray allaabo lagu soo dhex qariyey.