Maalinta Arbacadda ee 22-ka Febraayo 2017 waxaa magaalada Muqdisho lagu caleemo saarayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Caleemasaarka ayaa loo sameeyay Guddi lix qeybood ka kooban oo wasiiro ah, kadibna waxaa madax looga dhigay Wasiirka Qorsheynta xukuumadda xilka sii heysa C/raxmaan Ceynte.
Guddiga Dhaqaalaha ayaa markii hore loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Ibraahim Fargeeti, intii aan markii danbe laga wareejin. Wadani.com ayaa ogaatay in lacag ku dhow rubuc milyan doolar ku bixi doonto xafladda caleemo saarka madaxweynaha.
Dad badan ayaa aaminsan in xafladda caleemasaarka ay tahay wax lagama maarmi karay xilligan xaaladda adag dalku ku jiro, kharashkaasina uu ku fiicnaa in lagu badbaadiyo umadda abaareysan, laakiin waxaa ku adkeystay xukuumadii hore iyo gacan-yareyaasha madaxweynaha oo xaalada u bedelay bandhig iyo faan siyaasadeed.
Qaarkood ayaa baraha bulshada ku faafiyay in xafladda caleemo saarka madaxweynaha ay noqon doonto mid lala yaabo oo si cajaa’ib ah loo diyaariyay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dadaal ku bixiyay in madaxda dalalka deriska ah ay ka soo qeyb galaan xaflada caleemo saarkiisa, isagoo dhambaal u diray madaxweynaha Kenya oo doonayay inuu ka baaqsado.
Madaxweyne Farmaajow Ma ku dayan doontaa John Magufuli-ga Tanzania…? (Farriin ku socota Farmaajo)
Wadani.com