Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Khatarta ku wareegsan Magaalada Qudus iyo Go’aanka laga filayo Madaxweyne Trump [Warbixin]

    Khatarta ku wareegsan Magaalada Qudus iyo Go’aanka laga filayo Madaxweyne Trump [Warbixin]

    December 6, 20175 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waa shaacin aan la fileyn in madaxweyne Trump uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Qudus u aqoonsada in ay tahay caasimadda Israa’iil.

    Dadka Falastiiniyiinta waxay ugu magacdareen in Qudus ay noqoto caasimadda Israa’iil, “dhunkashada dhimashada” in ay ku noqoneyso hannaanka nabadda ee bariga Dhexe. Laakiin wasiir Israa’iili ah ayaa dowladaha kale ee caalamka ugu baaqay in ay raacaan waddada Mareykanka. Arrintan uu khilaafka ka taagan yahay ayaa la filayaa in Trump uu ka sheego hadal uu jeedin doono gelinka dambe.

    Sidoo kale waxaa la filayaa in Trump uu shaaciyo in safaaradda Mareykanka ee ku taalla Tel Aviv loo raro Qudus, balse waxay taasi qaadan kartaa sannado.

    Arrintan laga filayo dowladda Mareykanka ee ah in Qudus loo aqoonsado in ay tahay caasimadda Israa’iil ayaa dhalisay caro caalami ah iyo digniino.

    Israa’iil waxay soo dhoweysay isbedelka laakiin Falastiiniyiinta iyo hoggaamiyayaasha Carabta ayaa ka digay khatarta arrintan ay u keeni karto hannaanada nabadda ee Bariga Dhexe.

    Wakiilka Falastiin ee Britain, Manuel Xassassiyan, ayaa sheegay in bedelidda siyaasadda dibadda ee Mareykanka ay noqoneyso “dhunkashada dhimashada” oo saameysa xalka loo raadinayo in laba dal oo deris ah ay noqdaan Falastiin iyo Israa’iil.

    Sidoo kale wuxuu tallaadaasi ku tilmaamay in ay la mid noqoneyso “shaacin dagaal”. “Wuxuu noqonayaa rarkii ugu dambeeyay ee dhabarka ka jebiya ratiga,” ayuu yiri. “Ulama jeedo dagaal gacan ka hadal ah, balse waa dagaal diblumaasiyadeed.”

    Wasiirka waxbarashada Israa’iil Naftali Bennett wuxuu qorshaha Trump ku tilmaamay “tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka nabadda gobolka”, sidoo kale wuxuu dalalka kale ugu baaqay in safaaradohooda u raraan Qudus.

    Wuxuu intaa ku daray in tallaabada noocaas ah ay qasbeyso in “cadowga Israa’iil” aysan aqbalaan in Qudus aysan qeybsamin. Sacuudiga oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa tallaabadan cusub ku tilmaamay “daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta”.

    Israa’iil waxay Qudus u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiinta ay doonayaan in Bariga magaalada Barakeysan ay noqoto caasimaddooda mustqabalka.

    Haddii Trump uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil, Mareykanka wuxuu noqonayaa dalkii ugu horeeyay ee sadaasi sameeya, tan iyo aasaaskii Israa’iil sannadkii 1948.

    Maxay tahay doodda magaalada barakeysan ee Qudus?

    Arrinta Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo taageero ka heleysa dalalka Carabta iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.

    Magaalada waxay meel barakeysan oo diimeed u tahay Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, si gaar ah bariga magaalada Qudus.

    Israa’iil ayaa qeybtaasi Bariga ka qabsatay Urdun ka dib dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, waxeyna magaalada oo dhan u aragtaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala goyn karin.

    Sida uu dhigayo heshiiskii nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin ee 1993, marxaladda magaalada Qudus waxay ahayd in looga doodo kulamadii ka dambeeyay midkii lagu saxiixay heshiiskaasi.

    In Qudus ay leedahay Israa’iil weli caalamka muusan aqoonsan, dunida oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaa Tel Aviv.

    Tan iyo 1967, Israa’iil waxay Bariga Qudus guryo badan uga dhistay qiyaastii 200,000 oo Yahuud ah. Caalamka ayaa deegaameyntaas u arka mid sharci darro ah, In kastoo Israa’iil ay diiday arrintaas.

    Haddii Mareykanka uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil taasi waxay noqoneysaa in guryaha bariga Qudus ay sharci u leeyihiin Bulshada Yahuudda.

    Muxuu yahay Qorshaha Mareykanka?

    Saraakiisha sare ee maamulka Trump waxay sheegeen in Qudus loo aqoonsado Caasimadda Israa’iil in ay tahay in Mareykanka uu “gartay xaqiiqada”.

    Sikastaba, Xudduudaha gaarka ah waxay sii ahaan doonaan muwduuca heshiiska ugu dambeeya, sida ay saraakiishaasi sheegeen. Waxay intaa ku dareen in xaaladda goobaha barakeysan aysan arrinta saameyn doonin.

    Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale amri doonaa in waaxda arrimaha dibadda ay bilawdo hannaanka safaaradda Mareykanka loogu rarayo Qudus. Laakiin tallaabadaasi waxay qaadan doontaa sanado badan maadaama ay ka fikiri doonaan goobta laga dhisayo iyo arrimaha amniga.

    Donald Trump wuxuu arrintaas u ballanqaaday cod-bixiyayaasha Yahuudda, xilligii ololaha doorashada uu ku jiray. Mr Trump ayaa xaqiijiyay in uu xoogga saari doono heshiis nabadeed dhexmara Israa’iil iyo Falastiin, kaas oo uu hogaaminayo wiilka uu sodogga u yahay ee Lataliyaha sare u ah, Jared Kushner.

    Siduu caalamka uga jawaabay?

    Dibad baxayaal Falastiiniyiin ah oo gubaya sawirka Trump.
    Dibad baxayaal Falastiiniyiin ah oo gubaya sawirka Trump.

    Mr Trump waxaa telefoonka ka wacay dhowr hoggaamiyayaal si ay ugu wargeliyaan go’aankooda ku aadan arrinta.

    • Boqorka Sacuudiga Carabiya, Salman bin Cabdulcaziz al-Sacuud ayaa Trump u sheegay in safaaradda Mareykanka laga dhiso Qudus iyo in magaalada loo aqoonsado caasimadda Israa’iil “ay noqon doonto daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta caalamka oo dhan”.
    • Sidoo kale, hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbas ayaa ka digay “cawaaqib xumada ka dhalan kara go’aan noocaas ah oo saameeya hannaanka nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka oo dhan”
    • Hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniya wuxuu ku baaqay in dibad baxyo la sameeyo Jimcaha soo socda
    • Boqorka Urdun, Cabdullah wuxuu sheegay in go’aankaasi “uu wiiqi doono dadaalka boorka looga jafayo hannaanka wadahadallada nabadda”
    • Madaxweynaha Masar, Cabdulfatax Al-sis wuxuu Trump ugu baaqay “in uusan uga sii darin xaaladda cakiran ee gobolka”
    • Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu tilmaamay in dalkiisa uu xiriir xun la yeelan doono Israa’iil
    • Pope Francis wuxuu qiray in wada hadal oo keli ah loo mari karo “garashada xuquuqda dadka oo dhan” ee ku nool gobolka
    • Shiinaha wuxuu ka digay sii hurinta xiisadda xun ee hadda ka taagan Bariga Dhexe.

    Shaqaalaha dowladda Mareykanka iyo qoysaskooda waxaa laga hor istaagay in ay u safraan bariga magaalada Qadiimiga ah ee Qudus iyo Daanta Galbeed ka dib markii ay soo baxday cabsi dhanka amnigooda ah, waxaana la filayaa isu soo baxyo.

    Wasiirka Sirdoonka Israa’iil oo lagu magacaabo Israel Katz wuxuu idaacadda ciidamada u sheegay in “ay isu diyaarinayaa wax kasta” sida in ay rabshado dillaacaan.

    Faransiiska, Midowga Yurub iyo ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go’aanka Trump.

    Donal Trump Israel Qudus Trump
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Madaxweynihii Ahlu sunna oo noqonaya Madaxa Xukuumadda Galmudug [Heshiis la saxiixay]
    Next Article AKHRISO: Galmudug oo kala saxiixday Heshiis ka kooban 14 Qodob oo ay ku midoobayaan [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo