Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre marna kama uusan jawaabin eedeymahaas xukuumaddiisa loojeediyey laakiin Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa beeniyay eedeymaha iyaga oo sheegay in Baarlamaanku xor yahay oo Jawaari uu damacsan yahay dagaal uu rabo in uu ku qariyo Mooshinka laga keenay.
Dadka Soomaaliyeed oo uu Jawaari ka codsaday in ay difaacaan Xarunta Baarlamaanka ayaa qaarkood rumeystay eedda Guddoomiyaha Mooshinku ka yaallo ee ah in Xukuumaddu ay dhib xoog leh ku heyso Baarlamaanka.
Saaka Maxaa dhacay?!
Saaka arooor hore Guddoomiye Maxamed Sheikh Cusmaan iyo Ciidamo uu watay ayaa xoog ku galay Xarunta Golaha Shacabka iyaga oo guud ahaa la wareegay maamulka gudaha hoolka iyo albaabada laga galo, Xildhibaano hoolka kaga horeeyey Jawaari ayay ilaaladu kula kaceen handadaad.
Xildhibaano badan oo isugu jira kuwii Mooshinka ka keenay Jawaari iyo qaar ka mid ah kuwii difaacayay ayay Maleeshiyaadka uu watay Guddoomiye Jawaari u diideen in ay gudbaan kadib wadahadal dheer oo dhexmaray, waxaana amarkaas bixiyay Xildhibaanada hoolka loogu diiday Jawaari, ugu dambayna Xildhibaanada oo aad u careysan ayaa ka laabtay Aqalkii ay ku shiri lahaayeen.
Shacabka Soomaaliyeed ayay wax lama filaan ah ku noqotay in Guddoomiyihii Shalay ka cabanayay in awood ciidan lagu maquuninayo uu maanta isagii ku kacay tallaabo ka hor imaaneysa Dastuurka iyo Sharciga dalka, waxaana u xaqiiqoday shacabka in markii horaba qorshaha Jawaari ahaa in uu qaldo aragtida Umadda Soomaaliyeed iyo tan Beesha Caalamka si uu uga badbaado Mooshinka xilka looga qaadayo.
Hadda waxaa xaqiiqowday in Jawaari oo ku doodayay in uu u hoggaansan yahay Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka uu qaaday talaabo ka duwan taas, waxaana laga yaabaa in dhibaato siyaasadeed oo fool xun kasoo gaarto tallaabadan.