Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyr, ayaa maanta kormeeray ciidamada xoogga dalka ee ka tirsan guutada 15-aad ee taliska qaybta 21-aad, oo hadda ka kooban ciidamadii Ahlu Sunna ee la qarameeyay iyo Ciidamadii hore ee qeybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamadan oo la sheegay inay diyaar u yihiin howlgal ayuu Ra’iisul Wasaaraha oo uu la socdo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxay kormeer dhiirigelin ah ugu tegay xerada 21-aad ee ciidamadaasi, wuxuuna ra’iisal wasaare Kheyre kula dardaarmay isu diyaariyaan howlgallada argagaxisada looga xoreynayo deegaannada Galmudug, iyagoo si toos ah uga amar qaadan doona Madaxweynaha Soomaaliya..
Kheyre ayaa u sheegay in laga billaabo galabta ay ciidamadan ka amar qaadanayaan taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana goobta looga dhawaaqay in General Mascuud Maxamed Warsame uu noqonayo taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ballan qaaday in si dhaqso ah loo dhisayo xarunta 21-aad, ciidamadana loo dhammaytirayo dhammaan qalabka iyo tababarrada ay u baahan yihiin ciidamada.
Xubnaha la socday Ra’iisal wasaaraha waxaa ka mid ahaa C/samad Macalin Maxamuud iyo wasiiru dowlaha Gaashaandhigga.




