Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer kedisa ah ku tegay Dekadda Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha kasoo galo dowladda Soomaaliya.
Kheyre ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee dekadda ayaa maamulka dekadda, taliska booliiska iyo madaxda cusub ee qeybta canshuurta, isagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Canshuruaha iyo Booliska dekadda, wuxuuna ugu baaqay inay ka qeyb qaataan la-dagaallanka musuq-maasuqa.
Ra’iisal wasaaraha ayaa uga digay mas’uuliyiinta cusub ee waaxda canshuuraha inay musuq ku kacaan, wuxuuna saraakiisha boolika dekadda u sheegay inay ka hortagaan wixii musuq ah ee dekadda laga sameynayo iyadoo ah kuwa ugu danbeeya ee hubiya alaabta laga saaro Dekadda.
Dhowaan ayaa la xiray 10 sarkaal oo uu ku jiro madaxii canshuuraha dekadda Muqdisho, markii lagu soo eedeeyay inay musuqmaasuq gaysteen.