Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo xilligan Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu yiri: ” “Mukhtar Xuseen Maxamed (Qooraansay) ayaa loo qaatay inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (Managing Director for the National ID Project), si uu usoo dhiso hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority), isagoo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Guddiyadii dhisnaa” .

Maareeyaha Aqoonsia Qaranka ee cusub Mukhtaar Xuseen ayaa hore uga tegay Hay’adda NISA oo uu ka ahaa Madaxa IT, markii ay isku dhaceen Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), isagoo heysta dhalashada Dalka Norway.