Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Dhaqaalaha»Khilaafka Ganacsade Caan ah iyo Bankiga Dhexe ee Somaliland oo kasii daray

    Khilaafka Ganacsade Caan ah iyo Bankiga Dhexe ee Somaliland oo kasii daray

    September 25, 20232 Mins Read Dhaqaalaha
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa soo kordhay Khilaafka u dhaxeeya ganacsadaha caanka ah iyo asaasaha Shirkadda World Remit Ismaaciil Axmed iyo Bankiga Dhexe ee Somaliland.

    Isku dhaca ayaa bilowday, kadib markii uu Ganacsade Ismaaciil Axmed qoraal uu Baraha bulshada soo dhigay ku eedeeyay Qiime dhaca xad-dhaafka ah ee ku yimid shilinka SomaliLand, una baahan in degdeg ah wax looga qabto.

    “Waxa hoos u dhaca qiimaha shilinka Somaliland uu ka dhashay: Bangiga Dhexe oo joojiyey tallaabooyinkii lagu xoojin jiray shilinka ee doollarka suuqa lagu gelin jiray. Bangiga Dhexe oo lacago ka badan tii daabacnayd qaab digital ah suuqa u soo geliyey iyo Bangiga Dhexe oo ku mashquulay lacago kale oo dibadda lagu soo daabacayo, taasi oo hoos u dhigtay kalsoonidii shilinka lagu qabay”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Ismaciil Axmed.

    Bankiga Dhexe ee Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyey eedaha uga yimid maamulkaa shirkadda Wordl Remit, waxayna qoraal u soo saaray ku sheegay inuu sharciga la tiigsanayo Ganacsadaha.

    “Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka”.” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Mukhtaar Cumar Cali oo ah Agaasimaha Xiriirka Dadweyanaha iyo Arrimaha Dibedda Bankiga Dhexe Somalliand

    “September 23, 2023, Ismail Ahmed, oo ka mid ah Mulkiilayaasha Shirkadda Worldremit waxa uu siddii caadadda u ahayd ku baahiyay Barta uu Facebook-ga ku leeyahay warar Been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Muddooyinkii ugu danbeeyay Ismail Ahmed waxa uu caadaystay faafinta wararka ku-tiri-ku-teenka ah ee lagu Khalkhal gelinayo deganaanshaha suuqyada maaliyaddeed ee Somaliland”. ayaa ka mid ahaa qoraalka Bankiga dhexe ee Somaliland.

    Jawaab cusub oo ka timid Ismaaciil Axmed ayuu kusoo bandhigay Qaansheegtii shirkadda lacagta u daabacday Somaliland ay soo dallacday oo ay ku faahfaahsan tahay qeyb ka mida lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan $1,902,587.10.

    “Iyadoo maanta Baanka Dhexe ku mashquulsan yahay lacagaha la soo daabacayo oo Guddoomiyihii Bangiga Dhexe joogo London, waxa dambi kale ah in beenta cad ee intan le’eg dadka loo sheego”. ayuu jawaabtiisa ku yiri Guddoomiyaha WorldRemit.

    Wuxuu soo jeediyay in arrintan si degdeg ah wax looga qabto, oo kharashka malaayiinka ah ee lagu bixinayo in lacag cusub lagu soo daabaco loo adeegsado in shilinka kor loogu qaado.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSomaliland oo ka hor timid Baaq uga yimid Madaxweynaha Uganda Musaveni
    Next Article Mareykanka iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Dagaalka Alshabaab

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo