Is mari waagii ka dhashay xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay Ra’iial wasaare Xasan Cali kheyre ayaa la xaliyay, iyadoo guddoonka Baarlamaanka ay ogolaadeen in xukuumadda loo qaado codka kalsoonida.
Xildhibaano iyo siyaasiyiinta waanwaanta ka dhex waday ayaa ku guuleystay in guddoonka Baarlamaanka ay ku qanciyaan kalsooni siinta xukuumadda cusub, iyadoo aragtidii siyaasadeed ee wax ka bedelka xukuumadda loo ballanqaaday in la fulin doono.
Ra’iisal wasaare Kheyrre ayaa lagu wadaa inuu beri xukuumadiisa iyo Barnaamijkeeda hor geeyo Baarlamaanka Soomaaliya si codka kalsoonida loogu qaado. Wuxuuna khudbad u jeedin doonaan xildhibaanada Baarlamaanka.
Xogheynta Baarlamaanka ayaa xildhibaanada u diray farriimo ku saabsan inuu qabsoomayo shirkii Baarlamaanka ee maalinta berrito ah oo ah kulan codka kalsoonida loogu qaadayo xukuumadda.
Cod u qaadistaxukuumaddaayaa lagu wadaa inay isla berri oo Arbaco ah ay dhacdo inkastoo xildhibaanada qaarkood ay doonayaan inay dib u dhigaan codka kalsoonida si ay u soo akhristaan barnaamijka xukuumadda.
Wasiirada xukuumadda magacaaban ayaa sheegaya inay heystaan codad ku filan oo ay kalsoonida ku heli karto xukuumadda.
Wadani.com