Waxa magaalada Kismaayo ka bilowday khudbadaha Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Garabka Axmed Madoobe, iyadoo qaar kam ida musharixiinta ay durba bilaabeen inay tanasulaan.
Waxaa maanta khudbadahooda jeedin doona Ilaa Afar Musharax oo ay ka mid tahay haweeney u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland, kadib markii lix musharax oo maanta ku qornaa khudbad jeedinta ay 2 ka mida u tanaasuleen Axmed Madoobe; waxaana shirka furay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland oo dib loo doortay, iyadoo si weyn loo sugay amniga magaalada Kismaayo.
Laba ka mida musharixiintii is-diiwaangeliyay ee u taagnaa xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay tanaasuleen oo ay ka baxeen tartanka doorashada, waxayna kala yihiin Axmed Cabdi iyo Cabdi Xiis, Waxay shir jaraa’id ku qabteen Magalada Kismaayo iyagoo sheegay inay u tanaasuleen xaaladda markii ay arkeen iyo dalab uga yimid beeshooda.
Waxaa khudbadahooda jeediyay musharixiinta kala ah: Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Cumar Geedi oo Baarlamaanka ka codsaday inuu codkooda siiyo, iyagoo soo bandhigay qorshahooda musharaxnimo. Doorashadan oo ku socota sidii loo qorsheeyay ayaa muuqata inuu ku soo bixi doono Axmed Madoobe, halka garabka kale ee mucaaradka ay abaabul ka wadaan magaalada Kismaayo si ay u doortaan Madaxweyne kale.

