Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Khudbadii Farmaajo oo muujisay laba Xaqiiqo oo ku saabsan Shaqsiyadiisa hoggaamineed (FAALLO)

    Khudbadii Farmaajo oo muujisay laba Xaqiiqo oo ku saabsan Shaqsiyadiisa hoggaamineed (FAALLO)

    July 23, 2020Updated:July 23, 20203 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Mohamed C/llaahi Farmaajo
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Khudbadii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka jeediyay wejigii labaad ee shirka Dhuusamareeb ayaa ahayd mid xambaarsan xog iyo macluumaad uu madaxweynaha sheegay inuu la wadaagayo dadka.

    Farmaajo wuxuu ka baxay ballantii Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada oo lagu qanciyey inaysan hadallo xanaf leh jeedin, madaxweynahana ku bogaadiyaan kaalinta odaynimo ee uu leeyahay, wuxuuna si cad u sheegay inaan wax heshiis ah ka dhicin shirka oo uu ahaa is arag lagu sheekeystay oo uu wixii lagu soo qaaday uu la wadaagi doono Baarlamaanka.

    Inkastoo taageerayaasha Madaxweynaha oo mar waliba isku daya inay fashilkiisa guul u bedelaan ay isku dayeen inay ku amaamaan Khudbadda qaawan ee Farmaajo, haddana xaqiiqada waxay ahayd inay ka marneyd wax siyaasad ah oo ay caddeyn u ahayd shaqsiyadda Madaxweynaha.

    Khudbadda waxay soo bandhigay saddex arrimood oo ku saabsan shaqsiyada Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo, waxayna kala yihiin:

    1- HOGGAAN XUMO

    Farmaajo qirtay inuu soo diyaariyay Sharcigii Doorashada ee ay meel iska dhigeen Baarlamaanka, wuxuuna ku dooday si aan loo eedin inuu saxiixay sharci uu ogyahay inuusan soconeynin oo khaladaad badan ku jiraan, taasoo noqoneysa hoggaan xumo.

    Kuma qasbaneyn Madaxweyne Farmaajo inuu saxiixo sharci la isku qabsan doono, wuxuuna dastuurku siiyay awood uu ku celin karo labada Gole si dib loogu saxo marka uu sababeyn sharci u sameeyo. Waxaa meeshaas ka muuqda mas’uuliyad darro weyn iyo rabitaan in qalalaase siyaasadeed uu dalku galo si loo gaaro dano qarsoon, mana jiraan wax uu ku eedi karo Baarlamaanka uu hadda eeda saarayo oo la ogyahay in guddoonkiisa uu xiriir kala dhaxeeyo.

    2- GO’AAN QAADASHO LA’AAN

    Madaxweyne Farmaajo intii uu talada hayey wuxuu nuujiyey inuusan go’aano adag qaadan karin, iyadoo xaalado adag oo dalka soo maray la waayey meel uu ka baxay, sida kiiskii Qalbi-dhagax, Arrinta Badda iyo dhacdooyin kale oo badan.

    Waxaa dad badan tuhunsan yihiin in go’aannada Madaxweynaha qaato ay ku xiran yihiin shaqsiyaad kale oo qaarkood la hadal hayo, taasina waxay keentay inaan lagu arag wax tanaasul ah, sida ka dhacay shirarkii Dhuusamareeb 2, isagoo ku dhiiran waayey wax tallaabo ah oo uu qaato, markii uu ka hor yimid xitaa war-murtiyeedkii shirka laga soo saaray.

    GUNAANAD

    Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu guddoon jilicsan yahay, gartiisuna eex tahay, ka sokow waxaa meesha ka baxday daacadnimadii ay dad badan ku taageereen, balse laga wayey ficilladiisa, waxaana caddeyn u ah inuusan marna ka dhabbeyn dhammaan ballanqaadyadiisii uu Doorashada ku galay, sidoo kale kama shaqeyn Doorasho uu qabto, taasoo keentay inaan la ogeyn nooca Doorasho ee dalka ka dhaceysa xilli ay Baarlamaankii u harsan tahay 4 bilood, isagana 6 bilood oo qura.

    Madaxweyne Farmaajo wuxuu kaliya jecel yahay inta indho la’aanta u taageerta, waana madaxweynaha kaliya ee xilliyadii danbe sameystay shaqsiyaad inay isaga ammaanaan oo iidheh u sameeyaan shaqaaleysiiyay, waxayna ka muuqatay inuu ka qeyb qaatay ololihii xil ka qaadista Guddoomiye Jawaari iyo isku daygii ahaa inuu madax taageersan wada geeyo shanta maamul Goboleed oo kusoo dhammaatay fashilkii dagaalkii uu la galay Axmed Madoobe.

    Waxaa hadda welwelka ugu weyni yahay sidii kursiga uu doorashada ku yimid loogu qancin lahaa inuu u tartamo oo haddii xaaladu is mari waa’ kusii socoto laga dhaxli doono khalkhal siyaasadeed oo dalku galo, iska daa taariikh uu ka tagee.

    FAALLADA GOOBJOOGE

    Doorashada Farmaajo Khudbadii Farmaajo Shaqsiyadda Farmaajo Shirka Dhuusamareeb
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faahfaahin laga helay..
    Next Article Maxkamadda G/Banadir oo xirtay Kiiskii C/casiis Gurbiye & Xeer ilaalinta oo mar kale bedeshay…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo