Dhageysiga khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle ayaa caawa lagu soo gabagabeeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Musharixiinta u taagan Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa soo magacaabay madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, iyadoo muran ka dhashay musharixiintaiyo beelaha uu weli ka taagan yahay Beesha Gaaljecel.
Musharixiin gaaraya 16 ayaa khudbadahooda u jeediyay Baarlamanka Hirshabeelle, iyagoo ka hadlay waxqabadkooda haddii loo doorto xilkan Aqalka Sare, iyadoo musharax waliba la siiyay muddo 10 daqiiqo ah.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la sheegay inuu aqbalay inuu liiska musharixiinta Aqalka sare ka saaro afadiisa kadib markii ay ka hor yimaadeen beesha ay kasoo jeedo.
Doorashada Aqalka sare ayaa lagu wadaa inay maalinta beri ah ka dhacdo magaalada Jowhar, iyadoo inta badan musharixiinta soo bixi doona la sii ogyahay marka laga reebo ilaa saddex kursi oo loolan xoog leh ka jiro.
Wadani.com