Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya qarax lala beegsaday kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM oo mareysay degaanka Kulan oo degmada Mahadaay.
Qaraxa ayaa Miinada Nuuca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, waxayna uu qabsatay Gaari ka mida kolonyada ay la socdeen Ciidanka AMISOM e ka howlgala Magaalada Jowhar.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay rasaas xoog leh fureen kadib qaraxa, iyadoo la dhaawacay dad shacab ah.
Alshabaab ayaa sheegatay inay qaraxa ka danbeysay, iyagoo sheegtay inuu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay qasaaraha gaaray ciidamada AMISOM, iyadoo aysan weli wax war ah ka soo saarin taliska AMISOM.
Wadani.com