Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax miino lala beegsaday Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku socdaalayey wadadda isku xirta Muqdisho iyo Balcad.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay kolonyada AMISOM oo xilligaasi mareyey agagaarka Isgoyska SOS e degmada Heliwaa, magaalada Muqdisho, waxaana dhawaaqa qaraxa laga maqlay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa kadib rasaas xoog leh ay fureen ciidamada AMISOM ee qaraxu haleelay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay jiraan dad shacab ah oo ay galaafatay rasaasta AMISOM, kuna dhaawacmay, waxaana muddo xirnaa wadadda; halka qasaaraha gaaray ciidamada AMISOM aan la ogeyn. Isgoyska SOS iyo Suuqa Xoolaha ayaa ah goobo ay ka dhacaan qaraxyada ugu badan ee lala beegsado AMISOM.