Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta oo Jimce ah ay koox hubeysan toogasho ku dishay qof shacab ah, xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Dharkeynley, magaalada Muqdisho.
Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Salaad ayaa inuu gaadiidka ka rari jiray isgoyska Suuqa Kaawo-goday, iyadoo ay rasaas ku fureen koo ka kooban laba nin oo Bisloolado ku hubeysnaa, wuxuuna ku geeriyooday goobtaasi.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay dilka kadib baxsadeen dableydii dilka geysatay. Waxaa markii dambe halkaasi gaaray ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana halkaasi laga qabtaydad dhowr ah oo su’aalo laga weydiinayo falkaasi.