Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo uu hadda ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay ku dileen macalin dugsi qur’aan.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Kooshin ee Magaalada Baledweyne, waxaana uu dhacay xilli uu macalinka la dilay kasoo baxay Masaajid ku yaalla Xaafaddaasi oo uu ku tukaday salaadii Cishaha xaafadda Laanta Raadeerka.
Waxaa goobta ka baxsatay kooxda dilka geysata, waxaana shilkaasi kadib goobta tegay ciidamo ka tirsan maamulka gobolka oo baaritaan ay sameeyeen cidna ku soo qaban.
Wadani.com