Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay maanta weerar ku qaadeen Taliyaha Saldhiga Booliska Nuur Salaad ee magaalada Boosaso Col. Cumar Warsame Ciise.
Weerarka ayaa dhacay xilli uu taliyaha ka soo baxay masaajidka Faadumo ee magaaladda Boosaaso xiligii salaadii Jimcaha.
Taliyaha ayaa la sheegay in dhaawac culus uu ka soo gaaray rasaatii ay dableydu ku fureen. Waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay ruux shacab ah oo ka ag dhowaa halka weerarku ka dhacay, waxaana dhaawacyada lagu dabiibayaa isbitaallada magaaladda Boosaaso.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in kooxdii weerarka geysatay ay ka baxsadeen goobta ay weerarka ka fuliyeen.
Laba cisho ka hor ahayd markii ay kooxo hubeysani ay dhaawac u geysteen guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Bari Mustafe Axmed Aadan.