Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal Dil ah oo xalay ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu beegsaday nin dhalinyaro ahaa.
Koox dabley ah oo ku hubeysan Bistoolado ayaa weerar ku qaadaya Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Faarax Xiirey, iyadoo falkan uu dhacay xilli uu watay Gaari nooca raaxada ah, wuxuuna u geeriyooday dhowr xabbadood oo ay ku rideen dableyda weerarka ku qaaday.
Eehelka iyo Dadka goobjoogasha ahaa ayaa sheegay inaan la ogeyn sababta loo dilay C/llaahi Xiirey, waxaana goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay. Maraxuumka ayaa ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee ka shaqeeya arrimaha samafalka.
Ciidamada amniga oo gaatay goobta dilka ka dhacay ayaan ku guuleysan inay qabtaan dableydii falkaasi geysatay, waxayna qaadeen meydka marxuumka.
Falkan ayaa imaanaya iyadoo ay hoos u dhaceen falalka khaarijinta ahaa ee Alshabaabka fuliso caasimada Muqdisho.