Kooxo hubaysan ayaa maanta dil kale ka geysatay magaalada Boosaaso ee ganacsiga ugu weyn degaanada Puntland.
Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Jiiro-garoob ee magaalada Boosaaso, waxaana halkaasi lagu weeratay oo lagu dilay nin lagu magaciisa lagu sheegay Siciid Maxamed Ma-qadeeye, markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen.
Dableyda dilka geysatay ayaa degdeg uga baxsaday goobta, waxayna dad goobjoogeyaal ah ay sheegeen inay bistoolado ku hubeysnaayeen. Ninka la dilay ayaa ka mid ahaa iskaashatada gaadiidka Dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalada Boosaas .
Kooxda Daacish ayaa sii kordhisay weerarrada ay ka fuliso magaalada Boosaaso, waxayna sheegatay inay iyadu ka danbeysay dilkii dadka Itoobiyaanka dhowaan lagu dilay magaalada.