Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegay in koox hubeysan ay dil ka fulisay agagaarka Madaxtooyada magaaladaasi.
Kooxda weerarka geystay ayaa toogasho ku dishay askari ka tirsan ciidamada Puntland oo lagu beesaday agagaarka xarunta Madaxtooyada magaalada Boosaaso, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.
Waxaa kaloo weerarka ku dhaawacmay laba qof oo kale, kuwaasoo waxyeelo ka soo gaartay rasaastii lagu furay askariga la dilay. Askarta la dhaawacay waxaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada Madaxtooyadda Puntland.
Dilkan ayaa imaanaya iyadoo uu magaalada Boosaaso ku sugan yahay madaxweynaha maamulkaasi C/weli Gaas, waxaana magaalada Boosaaso ka dhaca dilalka qorsheysan oo lagu eedeeyo kooxaha Daacish iyo Shabaab.