Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox dabley ah wiil dhalinyaro ah ku dileen magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Ansalooti ee degmada Xamarjajab, waxaana dilkaasi geystay koox hubeysan ay toogasho ku dileen wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 17 sano jir, waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaradda Xaafadda Ansalooti.
Dabley ku hubeysan oo bistoolad ayaa markii ay dilkaasi geysteen ka baxsaday goobta dilku ka dhacay, waxaana goobtaasi gaaray ciidamada Booliska.