Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qaaday maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Fagax. degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Laba qof ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkaasi, waxaana midkood uu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Qaranka, halka qofka kale uu shacab ahaa, waxaana dilka labadaasi qof kadib goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay.
Wararka ayaa sheegaya in askariga ka tisan NISA uu dhaawac culus soo gaaray, kadibna uu geeriyooday, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed Nuux, waxaana rasaas lagu furay xilli uu fadhiyey Maqaayad la ku taalla Isgoyska Fagax, iyadoo qofka kale oo goobta ku sugnaa ay haleeshay rasaasta.
Waxaa goobta dilka ka dhacay gaaray ciidamada amniga, iyadoo baaritaan ka sameeyay halkaasi, inkastoo aan la qaban raggaasi dilkaasi geystay.