Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay Gaari uu saarnaa kala degeen xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsan Baaarlamaanka Hirshabeelle ayaa koox hubeysan ay kala degeen Gaari BL oo dad shacab ah uu la saarnaa agagaarka degaanka Gololleey, kana yimid magaalada Jowhar, waxaana loo maleynayaa in kooxda ay yihiin Alshabaab.
Xildhibaanka ayaan la ogeyn halka lala aaday, waxaana laga cabsi qabaa inuu xildhibaanka u gacan galay kooxda Alshabaab, iyadoo weli aanay wax war ah kasoo bixin maamulka Hirshabeelle.
