Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox Bistoolado ku hubeysnaa ay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dileen Nin Ganacsade ahaa.
Ninka la dilay ayaa lagu weerarray Qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu furay rasaas darandoori ah, isagoo suuqa ku lahaa Goob lagu farsameeyo Makiinadaha lagu shiido khudaarta.
Waxaa goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay, iyadoo markaas kadib ay goobta gaareen ciidamada amniga, wuxuuna dilkan ka mid yahay falalka khaarijinta ah ee faraha ka baxay magaalada Muqdisho.