Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay goor dhoweyd dil ka geystay magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho, waxaana dabley Bistoolado ku hubeysnaa ay toogasho ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda oo halkaasi ku sugnaa, kaasoo isla goobta ku geeriyooday, waxaana baxsaday dableydii dilkaasi geystay.
Waxaa goobta dilka ka dhacay gaaray ciidamada dowladda, iyadoo Hay’adaha Amniga aysan weli wax War kasoo saarin falkan oo inta badan ay Muqdisho ka fuliyaan Alshabaab.