Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox dabley ah oo bistoolado ku hubeysnaa ay toogasho ku dileen Guddoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiye waaxeedka oo lagu magacaabi jiray Nasra Cali Geesood, waxayna ahayd hooyo heysata lix caruur ah; iyadoo dableyda filka u geysatay ay goobta ka baxsadeen markii ay hubsadeen inay isla goobta ku geeriyootay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in markii uu dilka dhacay kadib ay halkaasi gaareen ciidamada amniga oo halkaasi baaritan ka sameeyay, balse aan ku guuleysan inay soo qabteen kuwii dilkaasi geystay.
Alshabaab ayaa sheegtay dilka haweeneyda iyo askari kale oo ay sheegtay in lagu dilay Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, waxayna inta badan sheegataa dilalka loo geysto mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan xubnaha maamulka Gobolka Banaadir.